Roobabka Gu’ga oo noqda Kheyraad loogu Adkeysankaro Abaaraha Soomaaliya
Cimilada Soomaaliya waxaa lagu gartaa isbeddel aad u kala duwan (variability) , halkaas oo abaaraha iyo fatahaaduhu ay mararka qaar isku mar dhacaan oo ay sii xoogaystaan. Xilliga Gu’ga (Abriil–Juun), oo taariikh ahaan ahaa xilliga roobka ugu wax-soo-saarka badan dalka, isla markaana bixiya in ka badan 50% roobka sanadlaha ah, ayaa hadda lala xiriiriyaa fatahaado



